Masar oo lagu arkay qof qaba Caabuqa Corona

 

Wasaaradda Caafimaadka ee Masar ayaa Jimcihii xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ee lagu arko gudaha qaaradda Afrika.

Wasaaradda waxa ay qofka cudurka qaba ku tilmaantay ajnabi hasayeeshee ma aysan shaacin dalka uu u dhashay.

Waxa ay wasaaraddu sheegtay inay ku wargelisay WHO bukaankana lagu karantiilay isbitaal.

Khubarada ayaa goor sii horraysay ka digay in ay waqti qaadan doonto inta laga xaqiijin doono kiiska ugu horreeya ee Afrika marka la fiiriyo xiriirka dhaw ee ay qaaraddu la leedahay waddanka Shiinaha.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey kiiska iyada oo loo marayo barnaamij dabagal ah oo ay fulisay dawladdu, kaas oo loogu talagalay musaafiriinta ka imanaya wadamada uu fayrasku ku fiday.

Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in qofkaasi la dhigay isbitaal isla markaana uu kujiray. Ma aysan cadeyn qofka dhalashadiisa ama halka uu ka soo jeedo.

In ka badan 1,500 oo qof ayaa u dhimatay caabuqaasi, kaas oo ka soo bilowday magaalada Wuhan ee gobolka Hubei.

Cudurkaan ayaa waxaa u ku dhacay 66,492 qof.