Muwaadiniintan oo in muddo ahba ku xanibnaa Magaalada Nairobi ayaa waxaa maanta suurtagashay in dalkooda dib loogu soo celiyo, ka dib markii ay labada dowladood iska kaashadeen.

Muwaadiniintan oo tiradoodu ay gaareyso 114 qof ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu keenay diyaarad ka soo duulisay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Safaaradda Somaliya ee Magaalada Nairobi ayaa fududeysay sidii dadkan dib loogu soo celin lahaa dalkooda, ka dib markii ay iska diiwaangeliyeen Xarunta Safaaradda.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo aanay weli wax war ahi Dowladda Federaalka ka soo saarin dib u soo celintooda.

Dadkan ayaa tan iyo markii la joojiyay duulimaadyadii rakaabka ee labada dal, sababo ku aadan COVID-19 ku xayirnaa Magaalada Nairobi.

Mogadishu-Somalia

Tags: