Maanta oo kale 20 sano ka hor, waxaa dalka Jabuuti ka  socdey shirkii dib u heshiisiinta,  ee dib loogu unkay Qaranimadii Soomaaliyeed, geeddi socodkaas waxa uu soo marey marxalado aad u kala duwan, waxaana dowlad kastaa ku soo shaqeysey duruufo aad u adag,  waxaase jirtey  in heshiis lagu ahaa in doorasho dhacdo afartii sanoba hal mar. Dowladkasta oo soo marta waxay soo gaarsiisey meel tan kale ka sii wadi karto, ma jirin dowlad Soomaaliyeed oo wadatey Ushii Nebi Muuse (cs), waxkasta waxay ahayd qori isu dhiib, haddii ay wax xalisey waxaa dhici karta in bilowgiisi dowlad kale lahayd, waxaa sooyaalkaas iyo isbedaladaas laga dhaxley waa in Dowladda Soomaaliyeed hesho degenaansho, aysan dhicin muran dhanka sharciga ah, ama aysan jirin cid diidan sharcinimada Dowladda Soomaaliya.

Dowladnimadu waa qori isu dhiib

CABSIDA JIRTA

Waxaa jira cabsi weyn oo marba, marka ka danbeysa sii xoogeysaneysa taas oo sheegaysa in doorashada la qaban lahaa dhamaadka sanadkan  2020 iyo bilowga 2021  Dowladda hadda jirtaa dooneyso in ay dib u dhigto,  iyada oo la imaaneysa marmarsiinyo laga maarmi karo,  qoraalkan waxaan ku eegeynaa sida Dowladda  Madaxweynaha uu ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u qorsheysatey  in ay xafiiska sii joogto haddiiba ay u hirgasho.

DOORASHO HAL QOF HAL COD AH

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu marar badan oo ay ugu danbeysey 15 May ku soo celiyey in uu dalka ka hirgeliyo doorasho dad weynuhu ka qaybqaato laguna tartamo nidaamka xisbiyada badan.

Maxaa ka run ah?

Sanadkii 2016 iyo sanadkan 2020 wax badan ayey isaga eg yihiin marka la eego in la qabto doorasho dadweyne ee Xisbiyo ku dhisan.

Xassan Sheekh Maxamuud, in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah waxa uu marey tallaabooyinkan:

Dhismaha guddiga doorashada ee hadda dhisan

Meel marinta xeerka Xibiyada dalka oo ah kan ilaa hadda lagu dhaqmaayo

Dib u eegista dastuurka federaalka oo  ilaa hadda socda

Xoreynta  gobolo iyo magaalooyin al-Shabaab horey u haysteen

Waxa uu dagaal ku qaadey dhismayaasha Dowlad goboleedyada, markii hore

Waxa uu ku khasbanaadey dhismaha dowlad goboleedyada (Jubaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed)

Waxa uu markii danbe xiriir fiican la yeeshay maamulada dalka ka jira oo wadatashi joogta ah lahaayeen.

Arrimahan oo dhan ma suurtagelin in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka nidaamka xisbiyada, sababaha u waa weyn ayaa ahaa:

Dalka oo aan guud ahaan la xasilin.

Fashilka dhisme ciidan Qaran oo laga soo wada qorey inta badan gobolada dalka.

Dastuurka Federaalka oo aan la dhamaystirin aftina loo qaadin.

Muddada loogu tala galay hawsha dimoqraadiyeynta oo aan la bilaabin xiligii ku habboonaa.

Xalay iyo caawa maxaa isaga eg!

Waxaa muuqata in caqabadihii jiirey 2016 iyo kuwo ka weyn ay hadda jiraan oo aysan jirin wax Dowladda hadda jirtaa uga duwan tahay tii 2016 marka la eego:

Tirokoob la’aanka dadka

Diiwaangelinta codbixiyaasha

Xasilinta dalka

Nabadgelyda dadweynaha

Dhamystirka iyo Afti u qaadida dastuurka Federaalka

Dhamaystirka Xisbiyada iyo nidaamkooda

Wacyigelinta bulshada ee nidaamka Xisbiyada

Waxaa dheer wada shaqeyn la’aanta Dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah.

Haddaba meel-marinta sharciga doorashooyinka oo ay diidan yihiin qaar kamid ah Dowlad goboleedyada  ma noqon karaa hubka ugu weyn ee Dowaldda hadda jirtaa ay haysato oo ah in ay sharcigaas ku dhaqmeyso, iyada oo mudadii xilka loo dhaariyey ay ka harsan tahay bilo dhawr ah.

Sanadkii 2016 Dowladdii markaa jirtey waxay si cad u sheegtey in ay ku fashilantey in ay hirgelin karto doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxay talada dib ugu soo celisey dhamaan dadkii ay ka dhexeysey, kuwaas oo ku heshiiyey nidaamka doorasho ee dalka ka dhici kartey markaas, geeddi socodka dowladnimo ee dalkuna ku sii  socon karey, waana tan lagu doortey Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

FARMAAJO WIXII UU KU TALO GALAY AYUU KU SOCDAA

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo waxa uu ku socdaa ilaa hadda dhabbihii uu jeexday ama loo jeexay sanadkii 2017, kaas oo ah in  laga faa’ideysto khaladaadkii uu galay Madaxweynihii ka horeeyey,  ee horseeday in aanu helin muddo kororsi iyo in aan dib loo dooran, waxaana farmaajo qorsheystey isla sanadkii 2017 sida uu xafiiska kusii fadhin lahaa muddo 6 sano ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyihiisa kowaad oo markaas ahaa Agaasimaha Madaxtooyada waxaa la isla gartey in waxa Dowladdii ka horeysey caqabadda ku noqotey ay tahay.

Dowlad goboleedyada qaarkood ayba ka awood badan yihiin Dowaldda Federaalka.

Aqalka Baarlamaanka oo shirguddoonku u horeeyo.

Haddii aan labadaas wax laga qaban ay khatar ku yihiin maareynta doorashooyinka iyo damacooda.

 

Sida uu Horseed Media u sheegey siyaasi la soo shaqeeyey Madaxweyne Farmaajo, waxaa isla sanadkii 2017 la isla qaatey in  shaqada ugu horeysa la geliyo Dowlad goboleedyada inta ay cusub yihiin la wiiqo awoodooda, haddii aan taas la sameyn ay dhacayso tii ku dhacdey Dowladdii Xassan Sheekh oo lagu khasabanaan doono ugu danbeynta in la dhiso Madasha Qaran. Waxaa loo arkey Dowlad goboleedyadu in ay yihiin caqabadii Xassan Sheekh ka hor istaagtey in aanu ku darsan kuna khasabtey in la qabto doorasho.

Jawaari waxaa lagu khasbay in uu is-casilo 2018

Weerarka labaad ayaa lagu qaadey Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda, Guddoomiye Jawaari oo soo shaqeeyey afartii sano ee ka horeysey leh khibrad aad u durugsan ayaana loo arkey khatar kale haddii uu xukunka sii joogo, waxaana uhu danbeyn lagu khasbey in uu is casilo.

Madaxweynayaashii Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka waxaa lagu beddeley Wasiiro ka socda Dowaldda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo laga bixiyey dhaqaalaha ay doorashada ku galeen, marka laga reebo Hir-shabelle, oo hadda loo wado Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow in  uu noqdo Madaxweynaha Hirshabelle.

Dagaalka lagu qaadey Dowlad goboleedyada ayaan marna joogsan waxaana uu soo gaarey ilaa sanadkii 2019.

Kadib Shirkii Baydhabo 2018 waxaa si rasmi Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u go’aansatey in awoodda dalka lagu soo koobo Muqdisho, waxaa meesha laga saarey in la fuliyo dhamaan wixii lagu heshiiyey shirkii Baydhabo oo ay  ugu muhimsanaayeen qorshayaal dhabbaha u xaaraya in dalka ay ka dhacdo doorasho hal qof hal cod waxaana kamid ahaa:

Amniga:

Dhismaha ciidan Qaran oo dalka oo dhan laga soo qoray

Dhismaha ciidanka Booliska Federaalka muddo 90 maalmood ah gudahood

Arrimaha Siyaasadda:

 

Ka heshiinta habka doorasho ee dalka 2020

Wadaagida kheyraadka dalka

Dardargelinta dhamaystirka Dasuurka Federaalka

Dhaqaalaha

Mideynta cashuuraha dalka (Fiscal policy)

Waxaa meesha ka baxay qorshihii dalka lagu xasilinaayey al-Shabaabna looga kicinaayey magaalooyinka ay fadhiyaan, taas oo noqoneysa mid kamid ah mar-marsiinyaha inaan doorashadu dalka kawada dhici karin, taas oo ah caqabad soo taagneyd tan iyo sanadkii 2016.

Dowladda Farmaajo waxaa u dheer inay u aragtay dhulka Al-shabaab fadhido hadii laga kiciyo ay sii xoojin karto awooda Maamulada Gobalada, taasi oo keentay in Villa Somaliya aysan wax gacan militari ah siin maamulada xubnaha ka ah Federaalka, isla markaana ciidamada kooban ee Soomaaliya loo tababaray sida Haram-cad ama NISA u adeegsato maamulada aan weli lahayn cududa ciidan oo mideysan sidii ka dhacday Galmudug.

MUXUU YAHAY QORSHAHA FARMAAJO?

Somaaliya waxay heshiis ku tahay in afartii sanoba hal mar doorasho dhacdo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  khudbad uu mar sii horeysey jeediyey waxa uu sheegay “…Soomaaliya uma baahna markasta isbedel iyo  Madaxweyne cusub, waxaa muhim ah in muddo wanaagsan loo helo dhamaystirka hawlaha qabyada a…” ayuu yiri isaga oo tilmaamaya inaanu meelna u socon.

Horseed Media waxa ay ilo xog ogaal ah oo horey ula shaqeeyey Madaxweyne Farmaajo ka soo xiganaysaa in uu jirey qorshe qarsoon markii horeba  kaas oo lagu saleeyey in  taariikhda Soomaaliyeed aysan marna dhicin  Madaxweyne xilka haya dib loo doorto sidaas darteed fursad kale la raadiyo taas oo hadda qorsheheedi ugu danbeeyey socdo,  waxaana hal mar dunida ka dilaacay cudurka COVID-19 kaas oo noqon kara mar-marsiinyo kale.

 

Haddiiba Madaxweyne Farmaajo ay dhab ka tahay in uu dalka ka hirgelinaayo nidaamka xisbiyada, sida muuqatana uu yiri Soomaaliya dhib ayey ku tahay isbedel markasta oo waxaa wanaagsan Madaxweyne xilka muddo haya, maxay tahay sababta uu Xisbi siyaasadeed u samaysan waayey, jawaabtu waa caddahay, waxaana la sugayaa maalmaha soo socda sida loo kala baxo iyo cidda ku soo harta DOONTA oday Farmaajo naakhuudaha ka yahay .

DIB U DHIGISTA DOORASHADA

Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda in  guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Xaliima Ismaaciil Ibraahim ay soo jeediso aragtida Guddiga Doorashooyinka ee ku aaddan doorashada sida uu qabo sharciga doorashoyinka ee dhigaya lix bilood kahor in ay ku dhawaaqaan xiliga doorashada, sida aan ka soo xiganayno ilo xog-ogaal ah  Xaliima Yareey ayaa soo jeedin doonta in aysan ku filneyn muddada harsan in ay ku qabtaan doorashooyin, marka la eego xaaladda dalka ka jirta ee COVID-19, guddigii baarlamaanku dhisey ee dhamaystirka habraaca doorashada sida kuraasta iyo is waafajinta deegaan doorashooyinka, qoondada haweenka iyo xaaladda Xildhibaanada Somaliland oo aan shaqadoodi dhamaystirin,  sidaas darteed la siiyo muddo sannad  ah oo ka bilaameysa bisha Diseembar 2020.

Waxaa lagu wadaa in Golaha Shacabku fadhigoodi sanadkan yeeshaan bisha June, waxaana xili aad xasaasi u ah Turkiga ka soo noqdey labaddii guddoomiye ee labada Aqal iyada oo magaalada Muqdisho uu si ba’an ugu faafayo cudurka COVID-19, waxaana la dhihi karaa wax  fudud ma soo dedejin guddoomiyaasha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in muddada Guddoomiyaha Guddiga Doorashadu soo jeedineyso in ay doorasho ku qaban karaan lagu daro hal sano oo kale, baarlamaanku uu meel mariyo kadibna uu ka iibiyo qorshahaas Dowlad goboleedyada, sida aan ka soo xiganeyno ilo war-gal ah.

Si arrintan u fusho waxa Madaxweyne Farmaajo dejiyey qorshe indho sarcaadin ah oo ah in uu magacaabayo Raysalwasaare cusub lana soo dhisi doono xukuumad cusub, raysalwasaaraha  ka imaan doono mucaaradka  iyo talada qaar kamid ah  dowlad goboleedyada sida Puntland, waxaana xukuumadda loo dhisan si wadaag ah.

 

Qorshaha labaad ee Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan Dowlad goboleedyada si uu mashruuciisa dib u dhigista doorashada uga gado  ayaa ah in loo ballan qaado ama la siiyo lacag hormarin ah oo dhan $50 milyan oo dollar oo lagu kabaayo miisaaniyadda Dowald gobloleedyada 2021 lacagtaas oo ah mid ka  imaaneysa Baanka Adduunka.

FARMAAJO 2016 OO TALO SIINAYA FARMAAJO 2020

KALA QAYBSANAANTA BAARLAMAANKA

Baarlamaanka ayaa ku kala aragti duwan qorshaha muddo kororsiga, qaar kamid ah xildhibaanadam ku qanacsan muddo kororsiga ayaa aaminsan haddii aysan xukuumadda iyo Raysalwasaaraha cusub wax ka soo dhisan in aysan wax dan ah ugu jirin in ay xafiiska ku sii hayaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada fog ee mucaaradka  ah ayaa  doonaya  in la qabto  doorasho u dhaw tii lagu soo doortey, haddii la qaban waayona, ay xilka sii hayn doonaan ilaa baarlamaan beddala la helo, isla markaana ay soo dooranayaan Madaxweyne cusub oo kumeel-gaar ah kaas oo qabta doorashooyinka.

HADDABA HADDII DOORASHO LA QABAN WAAYO MAXAA DHICI KARA?

Waxaa hubaal ah in haddii doorashooyinka la qaban waayo ama la isku dayo in muddo dheer lagu darsado xilka ay yeelanayso saameyn weyn oo dhaawac u geysan karta Dowladnimada Soomaaliya.

Waxay keeni kartaa in Beesha Caalamku soo fara gashato isla markaana la sameeyo Road Map, loona yeeriyo waxa la sameyn doono.

Waxay keeni kartaa in ay lunto sharciyaddii Dowladnimada ayna  noqoto dowlad aan sharci ahayn.

Waxay horseedi kartaa kacdoon hubeysan oo si toos ah u maja xaabin kara Qaranimada aan cagaha adag ku taagneyn

Waxay fursad weyn u tahay kooxaha xagjirka ah oo fursadaha caynkan oo kale ah ku badhaadha kuna helaya taageerada qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Dowladda federaalka waxaa la gudboon in ay kubadda dhulka dhigaan lagana wadatashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, sharciga la dhigteyna loo hoggaansamo.

By Hussein Farah

Tags: