Waxaa xalay Maamulka gobolka Banaadir uu howlo nadaafaded wka sameeyay waddooyin muhiim ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho si loogu diyaariyo maalmaha ciidda in dadku ay ku damaashaadaan.

Waddooyinka ololaha nadaafadeed laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah Wadada Soobe oo la arkayay iyada oo gaadiidka nadaafadda ee gobolku ay qadayaan Miisaskii hilibka lagu iibin jiray Hilibka ee yiilay hareeraha wadada oo dad danyar ah ku shaqeysan jireen.

Xili ay nagu soo food leedahay Maalmaha Ciidul fidriga ayaa  Maamulka Gobolka Banaadir Waxay Olala Nadagafeed Ka Sameeyeen qaar Ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir si ay shacabka ugu Ciidestaan Magaalo Nadiif ah ayaa lagu yiri wax kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Mogadishu-Somalia

 

Tags: