Wasaarada caafimaadka xukuumada Faderaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka la keenay sheybaarkii lagu baari lahaa xanunka Covid 19.

Wasiirka Wasaarada Caafimaad Xukuumada Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa warbahinta dowlada u sheegta in sheybaarki lagu baari lahaa Xanuunka Covid-19 dalka la keenay.

Wasiir Fowsiyo ayaa sidoo kale sheegtay in maanta waxii ka dambeeyey dadka la karaantiilay lagu baari doono xarunta sheybaarka qaranka.

Sheybaarkan ayaa sahli doona in aan la aadin dibada si loo soo baaro muwaadinka la karaantiilay kaasoo la tuhmayo in ay ka Muqdaan Astaamo Muujinaya Covid 19.

Dhamaan dadka laga helay xanuunka carona ee Gudaha dalka soomaaliya ayaa lagu soo baaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka halkaas oo xarun Sheybaar ay ku leedahay Haya’ada Caafimaad aduunka.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaaladeeda ku kordhineysa ka hortaga iyo la tacaalida xanuunka Carona Waxaana dowlada ay u qoondeysay lacag gaareysa 5 Milyan oo dollar.

Ilaa Hada soomaaliya waxaa laga laga 7 kiis oo xanuunka Covid 19 ah,2 kiis oo hargeysa iyo 5 kiis oo magaalada Muqdisho qar kamid ah kiisaska Muqdisho ayay wasaradu sheegtay in ay bogsadeen.

Mogadishu-Somalia