Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inuu dab xooggan ka kacay garaashyo lagu iibiyo baabuurta iyo shidaalka.

Goobta dabku ka kacay waxa kale oo ku yaalay maqaaxiyo iyo goobo lagu iibiyo qalabka baabuurta

Dabka ayaa ka billowday qaybta gadaal, waxaana uu si dhaqsa ah ugu fiday guud ahaan garaashyada.

Dabkan ayaa la sheegay inay ku gubteen gaadiid badan oo ah kuwa iib ah, waxaana sidoo kale meesha u dhow kaalin shidaal.

Waxaa socda gurmadka degdegga ah oo ay bixinayaan gaadiidka dab demiska.

Mogadishu-Somalia

 

Tags: