Waxaa dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ku xanuusanaya Ra’isul Wasaarihii Dowladii ku meel gaarka aheyd ee dalka Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde.

Qaar kamid ah ehalada Mr Nuur Cade oo Idaacada Bandhiga ay la xiriirtay ayaa inoo sheegay in xaaladiisa ay hadda ka wanaagsan tahay sidii hore islamarkana xaalkiisa uu dagan yahay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale caafimaad taam ah u rajeeyay EX Ra’isul Wasaare Nuur Cadde isagoo ilaah uga baryay inuu caafimaad taam ah siiyo.

Mudane Nuur Cade ayaa Ra’isul Wasaare kasoo noqday dowladii Cabdullahi Yuusuf Axmad, waxaana lagu xasuustaa inuu ciidan gaar ah oo wata dhar jaale ah inuu u sameeyay suuqa weyn ee Bakaaraha si ay u ilaaliyaan hantida umadda Soomaaliyeed

Mogadishu-Somalia