Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka warbixiyay halka uu marayo shirka wadatashiga Puntland oo lagu wado in todobaadka dambe uu ka furmo Magaalada Garowe.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in shirkaasi sidii loogu talagalay u socdo islamarkaana qorshaha shirkaasi yahay mid diyaarsan.

“Shirka ka dhacaya Garoowe 15-ka bishaan waa mid waxtar u leh Puntland, yaan laga hordhicin balse aynu sugno inta uu kasoo idlaanayo, waxaana dadka ugu baaqayaa in aysan ka walwalin.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland.

Dhabancad ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirweynahaani oo qaban qaabadiisa laga dareemayo Garoowe uu yahay mid waxtar u leh Puntland.

Siyaasiyiin hore iyo wakiillo ka socda dowlad Goboleedka Puntland iyo ku matalayaasha Federaalka ayaa lagu wadaa in shirkaas uga qeybgalaan Garowe.

Shirka ayaa furmaya 15ka Bishan March,waxaana shaaciyay Madaxeynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ay is hayaan Dowladda Federaalka ah.