Wararka ka imaanaya xuduudda ay wadagaan wadamada Turkiga iyo Giriigga ayaa sheegaya inay halkaas iskudhacyo ka dhaceen.

Saraakiisha ammaanka ee Giriigga ayaa sunta dadka ka ilimeysiisa u adeegsaday dad qaxooti ah oo doonaya inay xadka soo gudbaan.

Kumanaan qof oo soo galooti ah ayaa toddobaadkii la soo dhaafayay isku dayayay inay qaab socdaal ama dhanka badda uga soo gudbaan bariga Turkiga si ay Giriigga u galaan.

Waxay tani timid kaddib markii xukuumadda Ankara ay shaaca ka qaadday inay furtay xadka ay la wadaagto qaaradda Yurub oo horay aad loo ilaalin jiray.