Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa  maanta goob fagaare ah ku gubtay Qaad laga keena dalka Itoobiya oo diyaarad ku yimid.

Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar  Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay gubeen qaad si qarsoodi ah dalka lagu soo gelinayey.

Wasiirka ayaa sheegay in horay la iskugu deyey in qaad lagu soo dhex qariyo rakaabka ay wadeen diyaaradihii labadii maalmood ee lasoo dhaafay loo fasaxay duullimaadka, kuwaas oo ka kala imaanayey dalalka caalamka.

Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigay qaadka maanta la gubay oo sida la sheegay boorsooyin xamuul ah lagu soo qariyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aan la ogolaa doonin in dalka lasoo geliyo xamuul aan aheyn dawo iyo raashin.

Mogadishu-Somalia

Tags: