66 jir u dhashay dalka Kenya ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee dalkaasi ugu geeriyooda cudurka Coronovirus, wuxuu ka soo safray dalka Koofur Afrika isagoo soo maray wadanka Switzerland, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Kenya.

Kenya ayaa sidoo kale diiwaan gelisay inkabadan 20 qof oo qaba cudurka Caronovirus kuwaa oo dalal kale ka yimid iyo qaar xiriir la sameeyay dadka laga helay.

Soomaali badan ayaa ku nool wadanka Kenya waxaana hadda wasaafradda caafimaadka dalkaasi ay karantiileysaa qof Soomaali ah oo ka yimid Mareyanka.

Waxaa xusid mudan in wadanka Kenya uu deris la yahay Soomaaliya cudurkana uu ku soo fido karo xili walba waxaase muhiim  ah in dowladda ay la socoto kana hor tagto Caronovirus.

Mogadishu-Somalia

 

Tags: