Dagaalka ka socda dalka Myanmar ee u dhaxeeya ciidamadda dawladda iyo kooxda hubaysan ee Arakan ayaa sababay dhimashada dhawr qof maalmihii lasoo dhaafay.

Dawladda dalkaasi ayaa sido kale jartay isgaarsiinta tallabadaas oo lagu tilmaamay ku xad gudubka xuquuqda aadanaha.

Wararka ayaa sido kale sheegaya in 11 qof oo rayid ah, oo 5 kamid ah ay yihiin muslimiinta Rohinjaha lagu dilay gobolka Rakhine kaas oo ay ku nool yihiin dad ka badan 3 milyan.

War qoraal ah ayey afar khubaro ah oo ka tirsan hay’aada qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha ku sheegen in 10-kii maalmood ee ugu dambeesay oo ku ekayd 18-kii Febraayo ay barakaceen 1,000 qof.

Wargeyska Mynamar Times oo soo xiganaya Rakhine ethnic congress ayaa qoray in in kabadan 120,000 oo qof laga daad gureeyay gobolkaasi ila iyo laga soo bilaabo bishii Novembar ee sannadkii 2018-kii.

Ilaa iyo sannadkii 2019-kii, ciidamada dawladda ayaa dagaal cusub kula jiray kooxda Arakan, kuwaas oo dadka jiinsiyadda Rakhine u doonaya madax banaani dheeraad ah.

Sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii  howlgallo Milatari  oo ciidamada  Myanmar ay ka  sameeyeen  gobolka Rakhine  ay ku barakaceen in ka badan 740,000 oo qof  kuwaasoo u cararay dhanka wadanka Bangladesh.