Wararka laga helayo dalka Sweden oo kamid ah wadamada Yurub ayaa sheegaya in 24-tii saac ee lasoo dhaafay iney xanuunka u geeriyoodeen inkabadan 10 qof oo dad Soomaali ah ku jiraan.

Sweden oo kamid ah wadamada uu cudurkan gaaray horaantii bishii aynu kasoo gudubnay ee Febraayo ayaa lasoo warinayaa in 6 qof oo Soomaali ah ugu geriyoodeen Corona.

Dadka Soomaalida ah ee xanuunkaan uu dilay ayaa u badan dad waayeel ah waxaana dawlada ay hadda bilawday sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi-gelinta caafimaadka bulshada.

Sweden ayaa bilawday qaadista talaabooyin ay kaga hortagyaso faafista cudurkaan, dadka ayaa loogu baaqayaa in ay joogaan guryahooda, sidoo akle waxaa la xadiday goobaha la isugu yimaado iyo kulamada balaaran.

Soomaali badan oo ku nool wadamada Yurub ayaa cudurkan laga helay qaarkood ayaa la nool, qaar baa u dhintay halka kuwa kale ay ka bogsadeen.

Mogadishu-Somalia