Dagaalada udhaxeeya ciidamada dowlada Siiriya iyo kooxaha mucaaradka hubeysan ayaa kasii socda magaalada waqooyiga-galbeed ee istiraatiijiga ah ee Saraqeb, taas oo dhacda gobolka Idlib ee dalka Siiriya iyadoo ay jiraan duqeymo culus oo ka imaanaya dhanka diyaarahada Ruushka.

Milatariga Ruushka ayaa lagu soo waramayaan in la geeyay magaalada Saraqeb ee gobolka Idlib, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Difaaca ee dalka Ruushka.

Joogitaanka booliiskaan wuxuu si gaar ah muhiim u yahay doorka magaalada Saraqeb, taas oo keeni karta hubinta amniga baabuurta iyo dadka rayidka ah ee ku safraya jidadka waaweyn ee M4 iyo M5.

Maalintii Isniinta, warbaahinta dowladda Siiriya gaar ahaan wakaaladda wararka ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, iyadoo dib uga soo laabatay fallaagada, waxayna ballanqaadeen inay “ka hortagi doonaan faragillinta ay magaaladani ku hayaan mucaaradka uu hogaaminayo turkiga “.

Ciidamada Siiriya, oo ay taageerayaan Ruushka, ayaa galay magaalada Saraqeb oo ay la wareegeen gacan ku haynta 8-dii February, ka hor inta aysan kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan ee uu hogaaminayo Turkiga ay dib ugala soo noqdeen toddobaadkii hore 27-kii February.

Sida laga soo xigtay weriye u shaqeeya wakaalada wararka ee SANA, ciidamada dawladdu waxay galeen Saraqeb Isniintii “ka dib markay la dagaallameen dagaallo ba’an oo ka dhan ah ururrada argagixisada ee ay taageerayaan xukuumadda Turkiga” oo ay ka shaqaynayaan “inay magaalada ka saaraan hadhaagga waxa uu ku sheegay argagixisada”.

Si kastaba ha noqotee, weriyaha  telefishinka Al Jazeera ee ku sugan Idlib, Adham al-Hussam, ayaa soo sheegaya in dagaalada ka socda Saraqeb ay sii soconayaan, iyadoo labada dhinac midkoodna uusan awood u lahayn inuu magaalada ku qabto go’aan xaddidan.

Al-Hussam wuxuu yidhi, waa xaalad aad u qulqulaya, isagoo ka hadlaya magaalada u dhow Binnish. Kooxaha fallaagada ayaa gacanta ku haya aagga galbeed ee Saraqeb mana gaari karaan aagga dhinaca bari ee loo yaqaan aagga warshadaha, halkaas oo ciidamada dawladda Suuriya ay leeyihiin jagooyin ayna gacanta ku hayeen.

Dagaalka magaalada Saaraqeb ayaa sii socdo, iyada oo labada dhinac midkoodna uusan awoodin inuu qabsado magaalada [Ghaith Alsayed / AP Photo]

Tan iyo markii ciidammada madaxweyne Bashar al-Assad ay xoojiyeen weerarkooda saddex bilood ka hor Idlib, oo ah meelihii ugu dambeeyay ee ay ku sugnaayeen mucaaradka Suuriya, Saraqeb waa ay ka barakaceen dadka deggan, waxa ayna magaaladani u muuqataa magaalo cirfiid ah.

In ka badan 950,000 oo rayid ah oo reer Siiriya ah ayaa laga barakiciyay guryahooda waxayna u dhaqaaqeen dhanka xuduuda Turkiga, iyagoo raadinaya xeryo buux dhaafiyey isla markaana la daalaa dhacayay hoy aan ku filneyn.

Turkiga, oo horey u martigaliyay 3.6 milyan oo qaxooti Siiriya ah ayaa ka walaacsan inay mar kale aqbalaan, waxay ciidamadeeda u dirtay Idlib si ay uga hortagaan in ciidamada dowladda Suuriya ay si dhakhso leh u galaan gobolka, kaas oo sida uu dhigayo heshiiska 2018 ee Sochi ay la galeen Ruushka ayna ku tilmaameen mid ka soo horjeeda aagga nabdoon.

Khasaaraha culus ee soo gaadhay ciidamada Turkiga, gaar ahaan ka dib markii 34 ka mid ah ciidamadooda la dilay Jimcihii lasoo dhaafay, waxay u horseedeen dawladda inay bilawdo hawlgal militari oo loogu magac daray ‘Garsooraha’ Shield, ka dib digniino soo noqnoqda oo la siiyay ciidamada Asad inay ka baxaan qodobbada kormeerka ee Turkiga laga sameeyay gobolka.

Full control over the highways can shift the dynamics of the conflict [Izzeddin Idilbi/Anadolu]
Isaga oo la hadlaya telefishinka Al Jazeera, Tariq Solaq, oo ah sarkaalkii ugu horreeyay oo taliye u ah hawlgallada Saraqeb ee xoogagga mucaaradka ayaa yiri “guud ahaan, xaaladdu gacanta ayey ku jirtaa” gaar ahaan kooxaha mucaaradka ee hubeysan.

“Dagaallada badankood waxay ka dhacayaan bariga  magaalada Saraqeb ee u dhow aagga warshadaha,” ayuu yidhi. “Dagaalada waa kuwo soconaya mararka qaarna ciidamada taliska waxay ku guuleystaan ​​horusocodka iyo qabsashada aagaga kahor inta aysan dib uga dhicin saacad ama wixii ka dambeeya.” Ayuu sii raaciyay.

Saraqeb waxay ku taal isgoyska Wadooyinka Muhiimka ah ee M5 iyo M4, kan hore wuxuu isku xiraa caasimada Dimishiq ee magaalada labaad ee wadanka iyo xarunta dhaqaalaha Aleppo. Balse Aleppo waxa ay ku xirtaa magaalada xeebta ku taal ee Latakia. 

Labada marinba waxaa loo arkaa inay yihiin marinno ganacsi iyo mid kale oo muhiim u ah qaxootiga, sidaasna waxaa ku xusan heshiiskii Sochi ee la gaaray 2018 oo ahaa in ay xor ka ahaadaan dhaqdhaqaaqa militari ee labada dhinac ee mucaaradka iyo ciidamada dowladda Siiriya. 

Qabsashada magaalada Saraqeb waxay la macno tahay in qof kasta oo ka masuulka ah jidadka waaweyn uu awood u leeyahay in uu go’aamiyo in dhinaca kale uu isticmaali karo iyo in kale, ”Haid Haid, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan Chatham House ayaa sidaasi u sheegay telefishinka Al Jazeera ee fadhigiisu yahay magaalada Dooxa.

“Sidaas awgeed, dawladda Siiriya ayaa asbuucyadii la soo dhaafay qabsatay inta badan wadooyinka M5 ee isku xirta magaalooyinka Dimishiq iyo Aleppo, waxayna isku dayayaan inay dhawaan qabsadaan wadada M4 oo ku sii jeedda Latakia.”

Erdogan wuxuu sheegay inuusan wax dan ah ka laheyn soo dhexgalka Ruushka ee magaalada [Ahmet H. Hatib / Anadolu]
Xiriirka diblomaasiyadeed ee taxaddarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Ruushka, oo taageeraya dhinacyada iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya Siiriya, ayaa arkay in labada dal ay dhowr jeer ka wada hadlayeen xaaladda Idlib. Isniintii, xafiiska madaxweynaha Turkiga wuxuu xaqiijiyay in kulan u dhexeeya Madaxweynayaasha Recep Tayyip Erdogan iyo Vladimir Putin uu ka dhici doono Moscow maalinta Khamiista, iyagoo ka wada hadlaya horumarka ka socda Siiriya.

Isaga oo ka hadlayey kulan ay yeesheen xisbigiisa caddaaladda iyo horumarinta (AK Party), Erdogan wuxuu sheegay in uusan wax dan ah ka laheyn soo dhex-gelida Ruushka, wuxuuna rajo ka muujiyay in Ankara iyo Moscow ay heli doonaan xal.

Hadal qoraal ah, oo kasoo Baxay Kremlin ayaa waxaa carabka lagu adkeeyay in Ruushka “ay muhiimad weyn siineyso iskaashiga lala yeelanayo kaabayaasha Turkiga”.

Sida laga soo xigtay Xayd, ciidamada ka dagaalamaya gobolka Idlib waxay ku hanweyn yihiin inay kiciyaan colaadooda  madaama dhinac kasta uu raadinayo inuu dhuuqo ama ku daro guulaha la taaban karo ee kulanka Putin-Erdogan.

“Haddaad fiiriso waxa ka socda dhulka hadda waxa ay u egtahay in labadaba dhinac ay isku dayayaan inay wax badan ka qabtaan dhulka intii suuragal ah si ay u kordhiyaan awooddooda ka hor shir-weynaha,” ayuu sheegay diblomaasi sare oo la hadlayay wakaalada wararka ee Associated Press. 

“Tani waxay muujineysaa inaysan jirin faham cad oo ku saabsan waxa natiijada shirku noqon doono, laakiin haddii Turkiga uu ku guuldareysto inuu gaaro natiijo la aqbali karo markaa kaliya ma lumi doonaan taageerada gudaha laakiin sidoo kale sumcadooda inay tahay awood goboleed.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Xaalada Siiriya ayaa hadda kacsan; iyadoo wadamada isku haya colaada Siiriya ay eedeyn isu jeedinayaan, maadama Turkiga uu ka duulayo qaxootiga badan ee kusii qulqulaya wadankiisa.

Isha: TRT Arabic, Aljazeera, APnews iyo RT Arabic.
W/T: Hussein Banjaani