Xaalada Degmada Beled Xaawo oo maanta degan

 

Xaaladda Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay deganeyd, ka dib markii ay yiraadeen dhaqdhaqaaqyadii ciidan ee iska soo horjeeday, kana jiray degmadaasi.

Tani ayaa waxay timid ka dib markii ay Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Beled Xaawo, ay laba laabeen dadaaladii nabadeed ee ay labada dhinac ka dhex wadeen.

Nabadoon Cabdi Aadan Xasanaa, Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Beled Xaawo ayaa labada dhinac ku adkeeyay inaanay mar dambe ku dagaalamin degmada.

Wararka laga helayo Degmada Beled Xaawo ayaa xaqiijinaya in dadkii ka cararay guryahooda, ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan.

Sidoo kale waxaa dib u furmay goobihii ganacsiga ee degmadaasi, waxaadna mooddaa inay mid caadiya ku soo laabanayso dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo dadkaba.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kala joogga gudaha iyo duleedka degmada, mana jirto dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo halkaasi laga dareemayo.