Labo Dhallinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay inay isku dhaawaceen dagaal xalay ku dhex maray magaalladda Saint Giliani oo dhanka Koonfureed kaga toosan Caasimadda Malta ee Valletta.

Boliska oo ka warbixiyey dhacdadaan ayaa sheegay inay Ragga Soomaalida ku dagaalameen Jidka loogu magac daray Saint George xalay fiidkii

Boliska sidoo kale waxa uu tilmaay in ragaas dagaalamay mid kamid ah uu dhaawac halis ah soo gaaray da’diisa ayey ku sheegeen 28 sano jir markii uu soo gaaray saldhiga ayey sheegeen in ay ula carareen Cisbitaal hadana lagu dabiibayo

Ninka kale ee Soomaaliga oo deggan Tuullo yar oo lagu magaacbo Zebug una dhow Jesiiradda Gozo waxaa la sheegay in isagana dhaawiciisa daranyahay lana geeyey Cisbitaal

Labada nin ayaa la qayb ka ahaa dagaal Tooreey la isugu adeegsaday, wuxuuna Boliska bilaabay Baaritaano, lama oga sababta keentay dagaalka dhexmaray ragaan Somali ah .

Somali badan ayaa kunool jaziiradda Malta iyagoo in badan ku lug yeeshay falal dambiyo ah oo ka dhacay halkaasi.