Shirkadda ‘Uzbekistan Airways’ ayaa waxa ay joojisay duullimaadyadii ay ku tagi lahayd magaalooyinka Jeddah iyo Madiina, sababo la xiriira cudurka ‘coronavirus’, sida uu kusoo waramayo wargeyska Trend maanta oo Jimca ah.

“Shirkadda ‘Uzbekistan Airways’ waxay joojineysaa dhammaan duullimaadyada ka yimaada Tashkent illaa Jeddah iyo Madiina laga bilaabo 27 Febraayo 2020 taas oo ay ugu wacan tahay xannibaado ku meel gaar ah oo ay dowladda Sacuudiga ku soo rogtay xujeyda iyo dalxiisayaasha ka socda 25 dal oo ay ku jiraan Uzbekistan. Mas’uuliyiinta ayaa sharraxay go’aankan baahida loo qabo in laga hortago khatarta faafitaanka coronavirus COVID-19, “ayaa lagu yiri warbixinta.

Shirkaddu waxay xustay in mustaqbalka dhow, dhowr duulimaadyo lagu fulin doono ujeedo laga leeyahay oo ah in muwaadiniinta reer Uzbek laga soo celiyo Sacuudiga.

Cudurka ka dillaacay magaalada Wuhan ee Shiinaha – oo xarun u ah gaadiidka caalamiga ah – ayaa ka bilaabmay suuq kalluunka lagu iibiyo dhamaadkii Diseembar 2019. Tirada dadka uu u dhintay cudurkaasi waxay ku dhowdahay 3,000. In ka badan 83,000 oo qof ayaa la xaqiijiyey in ay qabaan cudurka.

Ilaha qaarkood waxay sheeganayaan in cudurka coronavirus uu billowday horaanta Noofambar 2019.

Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qufac, madax xanuun, daal, qandho, cuncun iyo neefsashada oo ku adkaata.

Kuuriyada Woqooyi ayaa soo warisay 256 xaaladood oo cusub Febraayo 28, taas oo wadarta guud ka dhigtay 2,000.