Shirkadda Diyaaradaha ee Jambojet oo ka mid shirkadaha duulimaad ee laga leeyahay dalka Kenya waxa ay ku dhawaaqeen in ay joojiyeen gebi ahaan Duullimaadyadii Garoonka Calaamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

Madaxa Guud ee Fulinta ee Shirkadda Jambojet, Allan Kilavuka oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay Go’aankaasi qaateen, kadib, markii loo diiday inay Diyaaradahooda Duullimaadyo Subaxnimo ah ku yimaadaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maamulayaasha Soomaalida ku guul-daraysteen inay Shirkadda siiyaan Ballanqaad ku aadan Duullimaadyada Aroornimo ee ay kaga soo degi karaan Garoonka Muqdisho.

Diyaaradaha Shirkadda Jambojet waxa u qorsheysnaa inay Garoonka Jomo Kenyatta ka soo duullaan 6-da aroornimo, si ay uga soo degaan Garoonka Muqdisho iyo inay Diyaaradda dib ugu laabato Nairobi saacadu markay tahay 9-ka subaxnimo iyo 25 daqiiqo ee barqanimo.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde waxa ay Shirkadda Jambojet ku wargeliyeen in uu Garoonku mashquul yahay saacadaha ay dalbadeen in ay Diyaaradooda ku soo degto Garoonka, isla markaana loo baahan yahay in ay Jadwalkooda Duullimaadka ku saleeyaan Xilliyadda Duhurnimada.

kadaan horay ayey u hakisay duulimaadyadeeda Muqdisho sanadkii hore balse hadda waxayba gabi ahaan joojisay duulimaadyadii ay isaga kala gudbi jirtay Muqdisho iyo Nairobi