Shir looga hadlayo maqaamka ay caasimadda Muqdisho ku yeelanayso nidaamka federaalka ee dib-u-eegista dastuurka ayaa ka furmay Muqdisho

 

Kulan looga hadlayo maqaamka ay caasimadda Muqdisho ku yeelanayso nidaamka federaalka ee dib-u-eegista dastuurka ayaa ka furmay Muqdisho, iyadoo kulankan ay ka qeyb galayaan Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Mohamed Sabriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, Guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir, iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Kulanka waxaa looga doodi doonaa hannaanka maqaamka caasimaddu ku yeelanayso nidaamka federaalka, iyadoo la soo bandhigayo noocyada jira ee ay caasimadaha dunida ee fedeaalka ku dhisan yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.

Magaalada Muqdisho oo Qiyaas ahaan ay ku nool yihiin 3 Malyan oo Qof ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu wadaa Qorshe Dadka Caasimadda ku nool ay ku yeelanayaan Matalad Siyaasadeed si lamid ah Caasimadaha kale ee Dalka ka jira.