Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay Arbacadii maanta, in Ruushka iyo Turkiga ay ku guuldareysteen inay heshiis ka gaaraan wadahadalada ka socda magaalada Moscow ee looga golleeyahay in lagu yareeyo xiisadaha ka taagan gobolka Idlib ee Syria.

Lavrov, ayaa waxa uu ku sheegay shir jaraaid in ciidamada dawlada Siiriya, oo iyagu weeraraya magaalada Idlib ay ilaalinayaan heshiisyadii hore ee gobolka, laakiin sidoo kale ay ka jawaabayaan waxyaabaha keena  carada shacabka.

Lavrov wuxuu sheegay in weerarada maliishiyaadka ee lagu qaadayo ciidamada Siiriya iyo kuwa Ruushka ee Idlib ay sii soconayaan.