QM oo meel marisay qaraar ku baaqaya xabbad joojinta Liibiya

 

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar 12-kii January, kaas oo lagu amrayo hawlgallo dhowr ah oo caalami ah in lagu kormeero xabbad-joojin waarta oo ka dhaqangasha Liibiya.

Qaraarka, oo ay soo gudbisay Britain, waxa uu ku baaqayaa xabbad joojin deg deg ah, in la joojiyo hubka labada dhinacba la siiyo, loona hoggaansamo cunaqabateynta hubka iyo ka noqoshada calooshood u shaqeystayaasha, wuxuuna mamnuucayaa faragelinta dowladaha xubnaha ka ah dhibaatada ka jirta Libya.

Qaar ka mid ah 14 dal ayaa taageeray go’aanka, laakiin Ruushka ayaa ka gaabsaday sababta oo ah bayaanka lagu xusay ku saabsan ka bixitaanka calooshood u shaqeystayaasha.

Go’aanku wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa dhammaan waddammada iyo taageerayaasha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirkii Berlin ee looga hadlayay arimaha Liibiya, kaas oo 19-kii January, waxaana loogu baaqay labada dhinac in ay fuliyaan ballanqaadyadooda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa laga codsaday in uu diyaariyo warbixin la xiriirta shuruudaha iyo soojeedinta lagama maarmaanka u ah la socodka xabbad joojinta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron waxa uu casuumaad rasmi ah u fidiyay 12 February, hogaamiyaha mucaaradka general Khalifa Haftar, balse casuumaadaasi ayaan laga soo saarin warbixino dheeri.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Haftar, waxaana lagu yiri “bariga magaalada Benghazi Haftar wuxuu kula kulmay Christophe Farno, agaasimaha waaxda Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Faransiiska.

Farno wuxuu casuumad u fidiyay Haftar intii kulanka socday.

Waxa kale oo uu casuumad ka helay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Faransiiska Christophe Castaner oo uu u diray dhiggiisa dhigiisa Laanta Qaramada Midoobay loo aqoonsan yahay ee (GNA), Fathi Bashagha, inay booqato Paris.

12 February, Ra’iisal wasaaraha Dowladda caalamka aqoonsan yahay ee fadhigiisu yahay Tripoli, ayaa waxa uu la kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee Talyaaniga Luigi Di Maio, iyagoo ka wada hadlay xaalada Liibiya.

Luigi Di Maio, waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay hubiyaan go’aamadii ka soo baxay shirkii bishii hore ka dhacay magaalada Berlin.

In kasta oo shirku la isku af gartay, hadana shirka waxa uu ku baaqayay in xabad joojin rasmi ah laga gaaro dalkaan oo dagaalladu halakeeyeen, inkastoo markii danbe ay ciidamada Xaftar ay bilaabeen weeraro ka dhan ah dowladda caalamka aqoonsan yahay, kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Tripoli.