Nin maxkamad loo soo saarayo ABEESO uu gacanta ku haya

 

Booliska ismaamulka mombasa ee dalka Kenya ayaa gacanta ku haya nin sitay abeeso.

Ninka oo lagu magacaabo Mr Karisa Iha oo kujira da’da 30-ka ayaa shalay subax laga soo qabtay kanaalka likoni isaga oo sita abeeso dhirirkeedu lagu sheegay 2.3 mitir kiiladeeduna tahay 10 kiilo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Duurjoogta ee (KWS) ayaa wargeyska The Standard u sheegay in tuhmanaha uu abeesada ku siday boorsad madow.

Eedeysanaha ayaa haatan ku jira saldhiga booliska likoni isgaoona maanta maxkamad la soo taagi doono.

Ninkaan ayaa lagu soo oogi doona dacwada kan dhan ah in u si sharci daro uu haystay xayawaan duur joog ah isagoona rukhsad haysan.

Dembiga lagu haysta ninkaan ayaa ka soo horjeeda sharciga ilaalinta iyo maareynta xayaawanada duurjoogta ee la dhaqan geliyay sannadkii 2013-ka