Saciid Cabdulaahi Dani Madaxwaynaha Puntland oo wali booqasho ku jooga Jabuuti ayaa qasriga madaxtooyada dalkaas waxa uu kula kulmay Madaxwaynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle labada dhinac ayaa iska xogwaraystay xaaladda Dalka gaar ahaan tan Puntland

Madaxwaynaha puntland Saciid Cabdulaahi Dani ayaa waxaa uu ka warbixiyey kulanka uu la qaatay madaxwaynaha Jabuuti

Isaga oo sheegay in kulanka uu u badnaa isxogwaraysi iyo sidii ay u arki lahaayeen horumarada baaxadda leh ee Jabuuti

Waxaa uu sidoo kale Dani sheegay in waxyaabaha la isku soo hadal qaaday ay kamid tahay in Jabuuti ay taageero u fidiso dalka si gaar ah Puntland

Ugu dambayn waxa uu ugu mahadcelyey madaxwayne Geelle taageerada walaalnimo ee joogtada ah taas oo Jabuuti la garabtaagantahay Somalia

Saciid Cabdulaahi Dani ayaa sidoo kale intii uu joogay Jabuuti waxa uu booqday xarumo badan oo ay kamid yihiin dekedaha kuyaal dalkaasi .