Muddo kadib Mareykanka Ayaa Bilaabay Taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka

 

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay dib u bilowday toddobadkan qayb ka mid ah kaalmadii, ay siin jirtay Ciidamada Dowladda Somalia.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dib u shaacisay bixinta qayb ka mid ah taageeridii tooska ahayd, ee uu ku taageerayay Ciidamada Dowladda.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in qaybta taageeridaan la siin doono guutooyin ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwooda Gobolka Shabellaha Hoose kula dagaalamaya maleeshiyada dowladda kasoo horjeeda.

Mareykanka ayaa bishii 12aad ee sanadkii 2017 hakad geliyay dhaqaalihii uu siin jiray Ciidamada Qalabka Sida, ka dib markii uu sheegay in musuq maasuqa uu ka jiro tiradii Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Gobolada Shabellooyinka.

Hase ahaatee qoraalka maanta ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu kordhiyay hababka la xisaabtanka ee khayraadka deeq bixiye-yaasha.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Mareykanka dib ugu bilaabay bixinta qayb ka mid ah taageeradii tooska ahayd ee Ciidanka Xoogga Dalka.