Milatariga Marooco ayaa la soo tabinayaa in ay la wareegeen sadax diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn ee Drone ka loo yaqaan oo ay ka iibsadeen shirkada Heron ee dalka Israel.

Diyaaradahan ayaa lagu magacaabaa (UAVs) waxaana ay ku soo aadayaan xilli ay horay u soo baxday heshiiska dhanka sirdoonka ah in uu ka dhaxeeyo labada Dhinac.

Heshiiska diyaaradahaan oo qiimo ahaan ku kacaya 48 milyan oo doolar ayaa garwadeen waxaa ka ah dowlada Faransiiska, sida uu shaaciyay Website fadhigiisu yahay caasimada Paris.

Israa’iil iyo Marooco oo heshiiska iibkan kala saxiixday sanadkii 2014-kii ayaa dib u dhac xoogan uu ka yimid,waxaana la filayay in marhore ay diyaaradahan gaaraan dalka ku yaal waqooyiga Afrika

Diyaaradahaan oo ah nuuca wax basaasa ayaa waxaa adeegsada Milatariga Faransiiska ee ku sugan dalka Afghanistan.

Si kastaba ha ahaatee xukuumada Marooko ayaa u adeegsan doonta xaqiijinta weeraro argagixiso ka dhan amaanka gobolada dhaca koonfurta iyo galbeedka.