Mareykanka iyo Jubbaland Oo Ka Wadahadlay Xaaladda Gobolka Gedo

 

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Mareykanka ee u fadhiya Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka AFRICOM, Gen. Stephen J. Townsend.

Amb. iyo Madaxweynahu ayaa ugu horayn waxaa ay ka wada hadleen Xaalada ka taagan Gobolka Gedo iyo duulaanka gardarada ah ee Dowladda Federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga Dowladdu ay halkaas weerarka ku qaaday ay ka jirtay xaalada adag waxaana la isku raacay in Dowladu ay halkaas kala baxdo Ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii Maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray Gobolka Gedo.

Waxaa kale oo kulankan diiradda lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ah waxaana la isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo mucaaradka lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland, howlgalkaas oo si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM oo ay tageerayaan Ciidamada howlgalka Africom ee Mareykanka.