Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay  saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in dalku Doorasho aadayo wixii ka bilowda caawa 21 Febraayo 2020.

Isagoo khudbad ka jeedinayey xaflad loo sameeyay xeritaanka kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayuu sheegay in Sharciga Doorashooyinka Heer Federaal aanu ahayn sharcigii uu isagu keenay, balse ay soo diyaariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya isaguna uu hortooda ku saxiixayo.

Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa akhriyey wareegtada lagu saxiixay sharciga doorashooyinka isagoo xusay inuu dhaqan gal yahay marka lagu faafiyo warbaahinta dowlada oo toos u baahineysay.