Shirka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar shirkaan ayaa waxaa shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Waxaa looga hadlay shirka Dardar galinta Amniga Magaalada Nadaafada, kordhinta dakhliga iyo qodobo kale.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa amar lagu siiyey iney fuliyaan amarkii ku saabsanaa in wadooyinka laga aruuriyo Xoolaha, lana geeyo xarunta baadi-qabadka si bilicda magaalada loo ilaaliyo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in degmadii jidadkeeda lagu arko xoolo dhex socda maamulkeeda lagu ciqaabi doono ganaax lacageed oo aan cadadiisa la sheegin.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowaan xariga ka jaray Xarunya baadi qabadka xoolaha oo loogu talo galay in la geeyo xoolaha ciidanka dowlada hoose ka ururiyaan jidadka magaalada si loo ganaaxo dadkii lahaa ee ku soo daayey jidadka.