Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray iska horimaad hubeysan oo xalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb kaasoo dhexmaray ciidamo taabacsan Galmudug iyo kuwa Ahlu sunna.

Iska horimaadkan ka dhacay Dhuusamareeb ayaa bilowday markii gaari ay la socdeen ciidamada Ahlu sunna oo kasoo baxay xerada Inji uu jiiray kontrol ay joogeen ciidamada Galmudug sida wararku sheegayaan, lamana sheegin cid wax ku noqotay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor ayaa ahlu suna ku eedeeyey iney ka dambeysay iska horimaadka caawa dhacay, isagoo ku baaqay in nabada la ilaaliyo.

Dhinaca kale War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Garabka Ahlusunna ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladu wado Abaabulka Dagaal markale Dhuusamareeb ka dhaca iyo weerar lagu beegsanayo Madaxda Ahlusunna.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay soo weerareen Xarunta Inji oo ay degan yihin hoggaanka Ahlusunna,sidoo kale maalmahihii la soo dhaafay ay wadeen xiisado keeni kara dagaal.