ku dhawaad 1500 oo galaafsaday Caabuqa Corona

Tirada dadka ee ilaa iyo hadda caabuqa Coronavirus ugu dhintay gudaha wadanka Shiinaha ayaa gaartay 1,355 oo qof.

Arrintan ayaa timid kaddib markii saraakiisha caafimaad ee ka howlgalo gobolka Hubei ay diiwaangeliyeen 242 oo ah kiisas dhimasho oo dheeraad ah.

Waxaa cudur sidaha Coronavirus 24-tii saacadood ee ugu dambeeyay lagu arkay 14,840 qof oo kale.

Gobolka Hubei oo saameynta ugu badan ay soo gaartay ayaa ilaa iyo hadda laga soo tabiyay kiisas dhan 48,206 sida laga soo xigtay guddiga qaran ee caafimaadka ee Shiinaha.

 Guud ahaan wadankaas waxaa laga diiwaangeliyay ku dhawaad 60,000 kiis oo la xiriira firuusiga ku fiday ugu yaraan 25 waddan.