Kulan looga hadlay sidii loo adkayn lahaa amniga dalka ayaa lagu qabtay xarunta taliska Booliiska ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Guddoomiyay shirka, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka iyo wasiiru Dowlaha maaliyadda, wasiiru Dowlaha difaaca iyo taliyaasha Booliiska iyo kuwa xoogga Dalka.

Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee kulanka ka qayb galay iyo hey’adaha Dowliga ah ee qaybta ka ah qorshaha, inay dar-dar geliyaan dedaallada lagu diyaarinayo howl-gallada, si loogu guuleysto adkaynta amniga ee guud ahaan dalka Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarineed ee dhammaan adeegyada Bulshada looga hir-gelinayo degaannada ka maqan gacanta dowladda

Taliyayaasha iyo wasiirrada kulanka ka qeyb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in sida ugu dhaqsaha badan ay ku dhammeystirayaan qorsha lagu gaarayo  degaannada Dalka ee ka maqan gacanta dowladda iyo hir-gelinta adeegyada ka dambeeya ee lagu horumarinayo Bulshada iyo degaanka.

Kulankaan ayaa qayb ka ah kulamada loogu hadlo amaanka dalka gaar ahaan sidii dowladda gacanta ugu dhigi lahayd deegaanada ka maqan si loo gaarsiiyo adeegyda dowliga ee ay bixiso.