Ka dib markii ay soo baxday waaran caalami ahaa oo Booliska Soomaaliyeed uu ku dalbaday in lagu soo xiro Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa wuxuu gaaray Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wasiirka ayaa fiidnimadii xalay waxa uu gaaray Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari, waana safarkisii labaad oo Kenya uu ku taggo maalmo yar gudahood.

Wasiirka oo Talaadadii gaaray Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland, Maamulka Degmada iyo Odayaasha Dhaqanka.

Wasiir Janan ayaan la garanayn ujeedada uu xilligan u tagey Degmada Mandheera, maadaama uu Talaadadii shalay ka soo safray Magaalada Nairobi, ka hor intii aanu gaarin Degmada Beled Xaawo.

Dowladda Somaliya ayaa dooneysa in markale gacanta lagu soo dhigo Wasiir Janan, si ay ugu maxkamadeyso Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan iyadoo ku eedeyneysa in uu gaystay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.