Idlib: 27,000 qof oo rayid ah ayaa ku cararay afar maalmood gudahood

 

Ku dhawaad ​​27,000 oo rayid ah ayaa ka soo cararay guryahooda oo ku yaala waqooyi-galbeed ee dalka Syria, afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Dadkaan ayaa kasoo cararay guryahooda, maxaa yeelay weerarro xoog leh oo ay qaadayaan taliska ciidamada Asad iyo xulafadooda oo uu hogaaminayo wadanka Russia, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Dowladda Turkiga u faafisa ee Anadolu.

Qiyaastii 27,000 oo rayid ah oo ku nool aagagga Aleppo iyo Idlib, ayaa ku sii jeedda meelaha u dhow xadka Turkiga, sababo la xiriira weerarada ku xadgudbaya heshiiska xabbad-joojinta ee ay wadamada Turkiga iyo Ruushka ay garwadeenka ka yihiin, sida wakaaladda wararka ee Anadolu ay kasoo xigatay Kooxda Isku-duwaha Jawaabta ee Syria.

Dadka rayidka ah, aya waxa ay u qaxaan meelaha u dhaw xadka Turkiga ama gabbaad u galaan meelaha ay argagixisadu ka nadiifisay maleeshiyaadka mucaaradka ee uu hogaamiyo Tukriga.

Laga soo bilaabo January 2019, tirada dadka reer Suuriya ee ka soo qaxay Idlib iyo Aleppo waxa ay gaarayaan tiradoodu ku dhawaad ​​1.8 milyan.

Bishii Sebtembar 2018, Turkiga iyo Ruushka waxa ay ku heshiiyeen in Idlib loo beddelo aag-baxsi, taas oo si cad loogu mamnuucay falalka gardarada.

Laakiin inka badan 1,300 oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarada ay qaadeen taliska iyo ciidamada Ruushka ee aaggan iyadoo xabbad-joojinta ay sababtay xadgudubyo fara badan.

Tallaabadan cusub, Turkiga waxa uu ku dhawaaqay 10-kii January xabbad-joojin cusub oo ka dhacda Gobolka ay xabaddu ragaadisay ee  Idlib, si kastaba ha noqotee, nidaamka iyo kooxaha argagixisada ee Iran ay taageerayaan ayaa sii waday weerarada lagu hayo gobolka.

Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee dhiigga badan ku daatay ee Syria sanadkii 2011, Turkiga wuxuu qaabilay 3.7 milyan oo reer Syria ah, kuwaas oo ka soo cararay wadankaas una aaday Turkiga – taasoo Turkiga ka dhigeysa dalka ugu sareeya ee qaabila qaxooti intaa la eg.