DHAGEYSO: Wasiir Bayle oo bogaadiyay Hadalkii Kasoobaxay Bankiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF

Wasiirka maaliyadda XFS Abdirahman Dualeh Beileh ayaa bogaadiyay hadalkii shalay ka soo yeeray Bankiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF ta ee ku aadanaa in Soomaaliya ay mudantahay in laga cafiyo deymaha faraha badan ee lagu leeyahay,

‘‘Maanta waa maalin farxadleh, sababtoo ah aduunku waxa uu nala arkay, islama markaana uu noo garab istaagay isagoo qirsan in aan dadaal iyo horumar sameynay.’’ Ayuu yir wasiir Bayle

Wasiirka maaliyadda XFS Abdirahman Dualeh Beileh ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo sheegay in har iyo habeenba ay kala shaqeeyeen dowlada si wadanka ugaaro meel ka fiican dalka .

Ugu Danbeyn Wasiirka maaliyadda dalka ayaa sharaxay wadada loo marayo in ugu dambeyn Soomaaliya laga cafiyo deymaha iyo cidda deymaha ku leh.

Halkan ka dhageyso Hadalka Wasiirka Maaliyada Soomalia: