DEG … DEG Haween iyo Askar Oo Waxyeelo Kasoo Gaadhay Dagaalka Kismaayo Ka Socda

 

Wararka naga soo gaaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhow uu dagaal ka qarxay magaalada, kaasoo durbaba laga dareemay magaalada.

Dagaalkan ayaa la soo sheegaya in uu u dhaxeeyo Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo ciidan kaloo u daacad ah Cabdinaasir Seeraar Maax, Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland.

Labo haween ah & hal askari oo ka tirsan kuwa taabacsan ciidamada Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku dhaawacmay rasaasta maanta ka dhacday magaalada.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Bandhiga Media, in isku dhaca uu biloowday kadib markii Ciidamada Amniga Jubbaland ay kala eryeen mudaaharaadyo looga soo horjeeday kulan dhex mari lahaa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa ka socda Isgooska Siinay ee xaafada Farjano gaar ahaan meel ku dhaw guriga uu degan yahay Cabdinaasir Seeraar oo horey u sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay wadooyinka Magaalada Kismaayo u xiray wafdi ballaaan oo caalamka ka socda, kuna soo wajahan magaaladaasi, balse ciidanka Cabdinaasir Seeraar ay ka horyimaadeen in adeegsiga wadada loo diido.

Wariye Madax banana ayaa u sheegay Bandhiga Media in dagaalka uu iminka ka socdo Bartamaha Kismaayo, xaaladuna ay tahay mid aad u cakiran.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay wali maqlayaan rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayaan, waxaana dadka degan aaga dagaalku ka socdo bilaabeen in ay halkaasi isaga barakacaan.

Xaaladda ayaa ah haatan mid kacsan, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhex maraya labada dhinac.

Mana jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamay Kismaayo.

La-soco wixii ku soo kordha.