La tuhmayaal ka tirsan Boko Haram ayaa weerar ka geestay waqooyiga dalka Cameroon maalintii shalay ahayd, iyaga oo halkaasi ku dilay laba ruux sida uu xaqiijiyay sargaal Dowladeed.

Weerarkaan ayaa dhanka kale lagu gubay 20 guri waxaana dableyda ay ku baxsadeen mootooyin ay Wateen.

Dowlada Cameroon ayaa heegan sare galisay ciidanka amniga iyadoo maalinta axada ah ay dhici doonto doorashada golaha Deegaanka.

Gobolada ku yaal galbeed ayaa waxaa ku sugan kooxo doonaya in ay ka go’aan Cameroon halka dhanka waqooyi ay marar badan weeraro ka geesteen maleeshiyada Boko Xaraam.