Xeer ilaalinta Maamulka Puntland ee Somalia ayaa waxa uu shaaca ka qaaday waqtiga kama dambeysta ah ee la fulinayo xukunka ku dhacay raggii ka dambeeyay dilka iyo kufsiga Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir ahayd loogu geystay Gaalkacyo Bishii Februay ee sanadkii tagay 2019-kii kuwaas oo lagu xukumay dhamaantood dil toogasho

Xeer ilaaliyaha guud dowladda Maxamuud Xassan Aw-Cismaan, ayaa baahiyay in saddexda xukmane Boosaaso lagu toogan doono subaxnimada Talaadada ah, ee ku beegan 11-ka bisha soo socota ee February 2019, saacaddu marka ay tahay 8:00am subaxnimo.

Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden.

Raggaasi, ayaa Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, Maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilka lagu riday saddexda xukmane, balse dib u eegis ay ka qaateen ayey mar kale Maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan wax laga weeydiiyey sababaha loo fulin la’yaay xukunka dilka ah ee Saddex ragga ah,waxaana uu sheegay in taasi ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha Puntland.