Wasaarada Ganacsiga oo kala dirtay mamulka Rugta Ganacsiga G/Banaadir

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa maanta amar lagu kala dirayo maamulka Rugtii Ganacsiga ee Gobolka Banaadir.

Nuqul ka mid ah qoraalkasi oo soo gaaray Bandhiga Media isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsata gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Hay’adda Nabad suggida ayaa dhawaan xirtay Gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir iyo ku xigeenkisa.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga

BANDHIGA MEDIA

MOGADISHU – SOMALIA