Man United oo Inter Milan u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba

Wararka ka imanaya England ayaa kashifay in ay kooxda Man United dhigeeda Inter Milan u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Waxa uu shaki weyn ku jiraa mustaq alka Paul Pogba ee kooxda Man United tan ilaa xagaagii hore sabab la xidhiidha in uu xiddigu qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Waxa maalmihii ugu dambeeyay si lama filaan ah u soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga kooxda Inter Milan iyada oo uu Antonio Conte doonayo in uu mar kale la shaqeeyo xiddiga kadib markii uu horay kula soo shaqeeyay Juventus.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Man United la xidhiidhay Inter Milan waliba u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay ka iibiso xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man United Dhigeeda Inter Milan ku xidhay Hal shardi oo ah in ay dhankooda helaan saxiixa weeraryahanka kooxda Inter ee Lautaro Martínez.