Man United ayaa qarka u saran Gedson Fernandes

Kooxda Man United ayaa qarka u saaran saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January iyada oo ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Benfica ee Gedson Fernandes sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa rajaynaysa in ay saxiixa xiddiga Gedson Fernandes dhamaystirto suuqa January iyaga oo ka faa’iidaysanaya in uuna xiddiga 20 jirka ah u ciyaarin kooxda Benfican tan ilaa November.

Shabkada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Man United rajaynayso in ay 20 jirka kula soo saxiixato heshiis 6 bilood ah oo ilaa inta qaybta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka hor inta ayna 34 milyan si toos ah ugula wareegin xagaaga dambe.

Xiddiga Fernandes ayaa la sheegayaa in heshiiskiisa lagu bur-burin karo 102 milyan oo Euro laakiin ay Benfica diyaar u tahay in ay xiddiga ku sii dayso lacag intaas ka yar.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in uu xiddiga khadka dhexe ku xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan xilli uu tababare Ed Woodward diyaar u yahay in uu siiyo lacag uu ku xoojiyo kooxda.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay wakiilada xiddigu u soo duuli doonaan Manchester si ay u dhamaystiraan heshiiska xiddiga 20 jirka ah.