Kooxda Chelsea oo raadineysa laacibka Kooxda CSKA Moscow ee Fyodor Chalov

Kooxda Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay 20 milyan oo euro ku dalbato xiddiga garabka uga ciyaara kooxda CSKA Moscow ee Fyodor Chalov kadib markii uu Frank Lampard u sheegay maamulka kooxdiisa in weeraryahan cusub yahay muhiimadiisa ugu weyn suuqa January.

 

Wargayska Express Sport ayaa sheegaya in ay Chelsea kooxda RB Leipzig dalab ka gudbisay si ay u hesho saxiixa Timo Werner sidoo kale Lyon u soo bandhigtay lacag iyo waliba weeraryahanka Olivier Giroud si ay u helaan saxiixa weeraryahanka Moussa Dembele.

 

Laakiin Kooxda Chelsea ayaa loo sheegay in ayna labada xiddigba iib ahayn suuqa January taas oo keentay in ay chelsea dareenkeeda u jeediso weeraryahanka Chalov.

 

21 jirka ayaa kooxda CSKA u dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedkii hore halka uu ilaa haatan dhaliyay 6 gool.

 

Chelsea ayaa kaliya haysta weeraryahanka Tammy Abraham kaas oo joogto ugu ciyaara waxana uu Lampard doonayaa xiddig uu la tartansiiyo xiddiga reer England si ay kooxdu ugu dhamaysato kaalinta 4-aad ee champions league loogu soo boxo.

Bandhiga Media