Hay’adaha amaanka oo sheegay in uu xabsiga ka baxsaday Wasiirkii amniga Jubbaland

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in uu xabsiga ka baxsaday wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubaland C/Rashiid Janan.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakia Xuseen ayaa barteeda Facebook ku sheegtay in C/Rashiid uu ka baxsaday xabsiga.

Zakiya Xuseen ayaa waxaa ay dadweynaha Muqdisho ka codsatay in ay hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan sidii loo soo xiri lahaa.

C/Rashiid Janan ayaa waxaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhamaadkii August 2019 ka qabteen Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayuu ka soo muuqday isaga oo lagu eedeeyay in uu dambiyo waaweyn oo dhinaca xuquuqda aadanaha ah ka galay dalka.

Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubaland ayaa aad isugu khilaafsanaa xariggiisa iyada oo Maamulka Jubaland ku sheegeen in la afduubtay.

 

Bandhiga Media

Mogdisho-Somalia