Falastiiniyiinta oo ka hor yimid qorshaha nabadda ee Bariga Dhexe

Shacabka Falastiiniyiinta ayaa ugu baaqay quwadaha waaweyn ee dunida inay ka hor yimaadaan qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu horkacayo madaxweynaha Mareykanka, qorshahaas oo uu kasoo horjeestay madaxweynaha Falastiiniyiinta , Maxamuud Cabbaas markii uu ku gacan seeray xiriiro uga yimid dhinaca Trump.

Waxaa lagu wada in madaxweynaha Mareykanka uu toddobaadkan shaaca ka qaado amqorshaha nabadda ee Bariga Dhexe, waxaana magaalada Washington uu kula kulmi doonaa ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benyamin Netanyahu iyo hogaiyaha mucaaradka Israa’iil Bani Gantz.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabbas uu dadaalka nabadda Trump ee Bariga Dhexey ku tilmaamay “dharbaaxada qarniga”.

https://twitter.com/AlMayadeenNews/status/1222122131733057537

Kullan ay xilliggaas yeesheen hoggaaamiyayaasha Falastiiniyiinta wuxuu ka sheegay in uusan aqbali doonin qorshe nabadeed oo Trump uu horkacayo ka dib markii Mareykanka uu Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil