Barcelona oo iska diiday saxiixa xiddiga Haaland

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay iska diiday saxiixa xiddiga da,yarka ah ee Erling Haaland suuqii xagaaga ee 2019 inkasta oo ay wakhtigaas raadinaysay xiddig ay weerarka ku xoojiso.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay qaar ka mid ah wakiilada kooxdu maamulka hor dhigeen saxiixa Erling Haaland si ay ugu xoojiyaan weerarka laakiin maamulka Barcelona ayaa ka doortay Kevin-Prince Boateng kaas oo ay heshiis amaah ah ku heleen.

Kevin-Prince Boateng ayaa ku soo biiray kooxda Barcelona inkasta oo uu jiray 31 sano isaga oo kaliya 5 gool u dhaliyay 15 kulan oo uu u ciyaaray Barcelona.

Dhanka kale Erling Haaland ayaa xaday indhaha adduunka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan taas oo keentay in ay kooxaha reer yurub isku baacsadaan saxiixiisa.

Laakiin Erling Haaland ayaa ugu dambayn ku biiray kooxda Borussia Dortmund todobaadkii hore iyaga oo si lama filaan ah ugu guulaystay saxiixa xiddiga.