Akhristayaasha Wargayska MARCA ayaa u codeeyay xiddigii ugu fiicnaa sanadka 2019

Akhristayaasha Wargayska MARCA ayaa u codeeyay xiddigii ugu fiicnaa sanadka 2019 kadib markii la soo afjaray sanadka 2019 kaas oo shalay si Rasmi ah u dhamaaday.

Akhristayaasha ayaa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi u doortay xiddigii ugu fiicnaa sanadka isaga oo ku garaacay 99 xiddig oo kale oo kula tartamayay.

Messi ayaa helay cod dhan 59% iyada oo uu kaalinta 2-aad galay xiddiga kooxda Real madrid ee Karim Benzema kaas oo helay cod dhan 10% kana horeeya xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk kaas oo helay cod dhan 8%.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta 4-aad galay isaga oo helay cod dhan 7% halka uu xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe helay cod dhan 6%.

Lionel Messi: 59% Cod

Karim Benzema: 10%

Virgil Van Dij: 8%

Cristiano Ronaldo: 7%

Kylain Mbappe: 6%

Sadio Mane: 4%

Frenkie de Jong: 2%

Mohamed Salah: 2%

Rahaeem Sterling: 1%

Alisson Becker: 1%

Bandhiga media