Wasiirka ganacsiga"Soomaaliya way ka baxday xilligii la

Wasiirka ganacsiga”Soomaaliya way ka baxday xilligii la kaalmeyn jiray”

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha dalka ENG. Cabdullaahi Cali ayaa daahfuray Madasha ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa xusay in laga gudbay xilligii Soomaaliya la kaalmeyn jiray islamrkaana hadda la joogo waqtigii ay kheyraadkeeda ka faaiideeysan laheyd.

Waxaa uu sheegay in kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka haddii ay dhismaan uu dakhliga dalka sameyn karo koboc, taasna ay la macno tahay in guul weyn laga gaaray arrimaha dhaqaalaha.

“Soomaaliya xilligii la kaalmeyn jiray waa ay ka baxday” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in waqtigaan la joogo xilligii laga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.

Soomaaliya ayaa ah dal hodan ah oo Ilaaheey uu ku mannaystay kheyraad dabiici ah ee barri iyo badba sida xoolaha nool, beeraha iyo kan baddaba.

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya