Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Galmudug “Warbixin”

Diyaar-garoowga doorashada baarlamaanka iyo tan hoggaanka madaxtooyada Galmudug ayaa ka soconaysa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedkaasi.
Wararka ay Idaacadda Bandhiga ka heleyso magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in ay soconayaan kulamo kale duwan oo ku saabsan arrinta Galmudug.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa qeyb ka ah kulamada ka socda Dhuusamareeb, kuwaasoo uu la yeelanayo dhinacyo kale duwan sida guddiga doorashada dhinacyo kale.
Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Galmudug oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa eedeeyn u jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku eedeeyeen in uu xareeyay Odayaal aan ka mid aheyn Saxiixayeyaasha Galmudug si ay u soo xulaan Xildhibaanada Galmudug.
Beelaha qaar kamid ah Galmudug ayaa wali cabasho ka ah qaabka xulista odayaasha loo marayo iyo hannaanka doorashada ay ku socotaba.
Xulista baarlamaanka oo ay ahayd in ay billaabato horraantii todobaadkani ayaa dib uga dhacday sababo lagu sheegay cillad farsamo awgeed.
Wararkii ugu dambeeyay ee Galmudug kala soco Www.Bandhiga.net
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya