Gollaha shacabka oo isku raacay ku noqoshada

Gollaha shacabka oo isku raacay ku noqoshada miisaaniyadda 2019

Baarlamaanka Somalia oo Ansixiyey ku noqoshada qoondada Miisaaniyadda Dowladda 2019-ka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS oo maanta yeeshay kulankooda caadiga ahaa ayaa waxaa soo xaadiray kalfadhigii 141 Mudane, iyadoo uu Kulanka Shir Guddominayey Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxaana goobjoog ahaa Guddomiye Ku Xigeenka Labaad Mudane Cabduweli Shekh Ibraahim Muudey

Guddoonka ayaa soo jeediyey ugu horayn in cod loo qaado kunoqoshada miisaaniyadda 2019-ka.

Waxaana Cod Loo Qaaday Ku Noqashada Miisaaniyadda 2019-ka tirada ogolaatay ayaa noqotay 118 Mudane, Waxaa Diiday 15 Waxa Ka Aamustay 8, waxaana sidaas ansax kunoqday kunoqoshada Qoondada miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka.

Kullamadii  ugu dambeeyey golaha hortaalay soona martay heerar kala duwan iyo dood xildhibaanada ay galiyeen ugu dambayna maanta ayey xildhibaanada meelmariyeen.