Aqalka sare oo meel-mariyay sharciga canshuuraha Furdooyinka

Xubnaha Aqalka Sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa arbacada maanta ah magaalada Muqdisho ku sheegay kulankii 21aad oo kamid ah falfadhiga 6aad ee gollahaasi.

Kulanka oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee g ollaha Sen. Abashir Bukhaari waxaana goobjoog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Mowlid Xuseen Guhaad.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka canshuuraha furdooyinka.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xasan Xuseen ayaa Gollaha Ka hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeeddinada sentarada.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganaacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey iyagoo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.Waxaa Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.

Bandhiga Media

Muqdisho, Soomaaliya