Guddoomiye Dhoobo Oo Dhahar u tegay ololihiisa cusub ee siyaasadda

Guddoomiyihii gollaha wakiillada baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa maanta gaadhay degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, si uu ballaadhiyo ololaha ka dhanka ah maamulka Puntland ee Madaxwayne Siciid Deni uu hoggaamiyo.
Boqolaal dadweyne ah ayaa Guddoomiye Dhoobo iyo wafdi la socday ku soo dhoweeyey halkaasi, kuwaas oo uga hortagay duleedka magaalada.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey shacabka Dhahar soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna sheegay inay is xog wareysan doonaan, islamarkaana inta uu joogo uu la qaadan kulamo kala duwan.
Wixii ka dambeeyey Khamiistii la soo dhaafay oo kalsoonida ay kala laabteen Dhoobo xildhibaano gaaray 49 Mudane ayaa waxa uu dib ugu laabtay gobolka uu ka soo jeedo ee Sanaag, isagoona ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey.
Waxa kale uu sheegay in yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, islamarkaana loo awood sheegtay, sida uu hadalka u dhigay.
Lama oga halka ay saldhigan doonto xiisadan, iyadoona guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay taageero u muujiyeen beelaha degangobolka Sanaag, gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedp oo sheegay inay ka tashan doono aayaheeda Puntland.
Bandhiga Media
Muqdisho, Soomaaliya